Waxaa maanta jaamacadda City, gaar ahaan hall-keeda weyn ee xarunta Yusuf Kowneyn ka dhacdey munaasabad qiimo badan oo hadal jeedin ah taasoo ay marti ku ahaayen Eng. Mohamed Ali Ibaar iyo Dr. Mohamud Garre. Muxaadarada ayaa loogu magac darey “AAYAHEENNU WAA IDINKA”.

Waxan halkaan uga mahadcelineynaa Eng. Mohamed Ali Ibaar oo khudbad qiimo badan micno weyna hambaarsan u jeediyey ardada jaamacadda iyo Dr. Mohamud Garre. Sidoo kale waxan u mahadcelineynaa intii soo agaansintey iyo intii ka soo qeyb gashey ee ka faaideysatey ba.

Munaasabadda waxa soo qabanqaabiyey Naadiga Akhriska ee READ for LIFE Book Club

Leave a Comment